“Qofkii Aan Cunto Haysan Waa Loo Talinayaa”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi”Daawo Muuqal
February 22, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasarada beeraha ee Somaliland, ayaa sheegay in wax soo saarku yahay lafdhabarta dal kasta oo horumara isla markaana cidii aan cunto ku filan lasoo bixin ay dawladaha kale u talinayaan.

Madaxweyanaha oo ka hadlayay xaflad xadhig ka jaris ah oo loo sameeyay, dhisme cusub oo ay yeelanayso wasarada horumarinta beeraha ee Somaliland ayaa ka hadlay muhiimada uu wax soo saarku leeyahay.