Shiinaha Iyo Hindiya Oo Ciidamada Kala Qaaday Kadib Bilo Ay Is Hor Fadhiyeen
February 22, 2021 - Written by admin
China(Berberatoday.com)-Ciidamada ayay kala qaateen kadib bilo ay milatarigooda kusoo daabulayeen xadka, isla markaana tobanan askari Hindiya lagaga dilay.
Shiinaha iyo Hindiya waxay ku heshiiyeen in si buuxda ay u kala gurtaan ciidamadooda bilaha isku hor fadhiyay xadka ay wadaagaan labadan waddan ee awoodda ku leh qaaradda Asia.
Deegaano dhaca buuraha Himilaaya ayay labada waddan ku muransanyihiin iyadoo dhinac waliba uu ka kale ku eedaynayay xiisadda isku dhacyada hor seeday ee halkan ka jirtay.
Waxa la arkayay gawaadhida milatariga iyo diyaaradaha qumaatiga u akca oo daabulaya kumanaan askari oo hore xadka ay u keeneen labada dal.