berberatoday.com
“Wasiir Faroon Sharciyan Wuu Lumiyay Murashaxnimadisi….Waxaa Qoray:- Muniir Axmed Cigaal
March 2, 2021 - Written by admin
Waxaa qoray:- Muniir Axmed Cigaal
“Ragg Cadaalad waayay sidii cawsha kala yaaca. “
Wasiir Faroon Sharciyan Wuu Lumiyay Murashaxnimadisi…. Waa Haddii Sharci La Raacayo..
Saraynta sharcigu maha sidaan anigu doonayo oo kaliya. Koomiishanka Doorashooyinka inoo qabanaaya ilaa hadda anigu uma arko dhexnimo iyo cadaalad inay wax ku wadaan.
Agaasihii Koomiishanka oo ahayd in lagu tartamo ayay Xukuumaddu magacawday waanay aqbaleen Mucaaridku, kala saaristii Murashaxiinta ayuu Guddoomiyaha Koomiishanku Wasaarad aanu xeerku siinin u xilsaaray oo ila hadda aanay qof qudha waraqihiisi siinin waanu aqbalay Mucaaridku. Guddoomiyaha Koomiishanka oo kaliya ayaa Xeer ilaalinta warqad u qoray oo warqadii danbi la’aanta ka soo wareejiyay CID oo xeerku dhigaayay in Muwaadinka isa soo sharaxay u doonto, sabab uu uga wareejiyayna lama yaqaan waanu aqbalay Mucaaridku. Xeerkii dhigaayay in Murashaxiinta Degmooyinka A-da ah ee Golayaasha degaanada lagu xidho Shahaado Jamacadeed ayaa misana la waydiinaya Tariikh waxbarasho oo ilaa Dugsi Sare ah oo aan xeerka ku qornayn waxa ku qoran oo kaliya “Qofka degaanka degmooyinka A-da ah iska sharaxay waxa laga doonaya Shahaado Jamacadeed” Kulaha Wasaaradda Waxbarashadu Iskuuladii aad ka soo baxdayna soo raaci qof Master haysta ayay muran kale galinayaan. Xeerka kuma qorna lakiin iyaga ku darsaday si dadka aanay doonayn muran ula galaan. Murashaxiinti ayaa la waydiinaya Xisbigee ka sharaxantahay Xisbigaaga noo sheeg, Wasaaradda ayaa waydiinaya mana aha shaqadeeda.. Haddii tani sidaa ka socoto ha sugi waayin inay Wasaaradda arrimaha guduhu iyana inoo qabato Doorashada Madaxtooyada sida Jabuuti.
Waxa yaab leh Xeerku wuxuu dhigayaa in qofka haya xil dawladeed, mid ciidan iyo shaqaale dawladeed uu iska casilo xilkaas amma shaqadaas 90-casho ka hor maalinta doorashada hadduu murashax yahay. Ilaa hadda oo xeerkaasi wuu jabay waxa tartamaaya oo si xaarana Murashax u ah Shaqaalihii dawladda oo uu ugu wayn yahay Wasiirka arrimaha debadda Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo darsin kale oo wali xilalkii haya muddadiina waa la dhaafay maanta bishu waa 2.
Sidaa daradeed cadaalad anigu ma arko inay meesha ka socoto. Mucaaridku inay mar qarxaan maaha oo taasi dhib ayay inoo keenin lakiin sidan waa in aan doorasho lagu galin iyadoo aan wax laga qaban. Sharciyan Wasiirka arrimaha debaddu maha murashax sharci ah wuu lumiyay haddii sharci la eegaayo haday xoog xoog tahay waa Musharax waana siday u eegtahay.
Tusan
Written by Muniir Ahmed Cigaal.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews