berberatoday.com
Khudbadii uu madaxweynaha Soomaaliland mudane Muuse Biixi (8-Maarso ka hor jeediyey baarlamaanka Soomaaliland ayaan aad u dhageystay una dhuuxay.Waxaa qorey, Bishaar Samadoon:
March 10, 2021 - Written by admin
Waxaa qorey, Bishaar Samadoon:
Khudbadii uu madaxweynaha Soomaaliland mudane Muuse Biixi (8-Maarso ka hor jeediyey baarlamaanka Soomaaliland ayaan aad u dhageystay una dhuuxay.
Hadal jeedintaan oo ka koobneyd waxyaabo badan oo isku rakiban sida; amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, Caafimaadka, biyaha, doorashooyin iyo arrimo kale oo siyaasadeed ayaa waxaa aad isoo jiitay shan daqiiqo oo khudbadan ka mid ah kuna saabsan xaaladda dhabta ah ee arrimaha Caafimaadka Soomaaliland. Runtii arrin ugub ah ayey igu noqotay oo ma moodeyn in uu jirro qof Soomaaliyeed oo madaxii ugu sareeyey ah oo si wacan u fahansan xog-ogaalna u ah caqabadaha caafimaad ee casriga ah iyo isbadalka ku yimid cudurada.
Muuse Biixi waxa uu tibaaxay:
#in wasaaradda Caafimaadka iyo adeegyada ay bixiyaan cisbitaalada dowliga ah ay sanadkii u dambeeyey kordheyn cadad dhan %12,
#in cisbitaalada gaarka ah inta badan bixiyaan adeegga Caafimaadka, awoodooduna ay aad u balaaran tahay,
#in maalgashiga iyo suuqa xorta ah ee Caafimaadka dowladdu ogashay balse shuruuc qaran loo baahan yahay,
#in Soomaaliland mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ay wajaheyso tahay la’aanta hoogaamin iyo maamul dhanka Caafimaadka ah,
#in dadku aanay aaminsaneyn kalsooni badanna ku qabin dhaqaatiirta gudaha,
#in cimilada iyo caadooyinkii hore oo doorsamay aawadeed cuduradii isbadal badal ku yimid, dadkuna ay la daalaa dhacayaan cudurro hor leh sida; macaanka, kansarka, dhiig-karka, kilyo-fadhiga iyo kuwa kale oo aan hore uga jirrin amaba Ku yaraa Soomaaliland,
#in sanadkii tagay wasaaradda Caafimaadka diiwaan galisay 6000 kun oo qof oo dibada caafimaad u raadsaday, celcelis ahaanna qofkiiba ay ka baxday lacag dhan 10.000 kun oo doolar, taas oo ka dhigan in Soomaaliland sanadkii tagay lacagta caafimaad ee dadkeeda dibadaha uga baxay tahay 60,000,000 milyan oo doolar,
Intaas marka laga tago, mid ka mid ah waxyaabaha xusidda mudan ayaa ah in Soomaaliland gudaha iska dhaaf’e ee xitaa lasocota kharashaadka caafimaad ee dibada uga baxa, waana arrin boogaadin, dhiirogalin iyo kudayashaba mudan.
Ugu dambeyn aniga oo ka amba qaadaya khudbadda Biixi iyo dhibaatooyinka caafimaad ee uu soo bandhigay, afartan arrin ayaan kula talinayaa Soomaaliland;
1. In ay lagama maarmaan tahay istaraatiijyad iyo hadaf ah in shanta sanno ee soo socta aanay dhaqaatiirta ku takhasusay qaliinka iyo cilmiga daweynta cisbitaalada dowladda iyo kuwa gaarka ahba agaasime guud ka noqon Illaa ay u dheer tahay aqoon hogaaminta caafimaad ma ahane. Taa waxay ka macno tahay in agaasinka iyo hogaaminta Caafimaadka aanay aheyn meel wax lagu qallo balse cagsigeeddu ay tahay mansab siyaasad caafimaad lagu dajiyo, maamul iyo aqoon maaliyadeedna looga baahan yahay.
2. In muhiimad gaar ah la siiyo wadashaqeynta dowladda iyo xarumaha gaarka ah (public-private partnership in health sector), maalgashiga maxaliga iyo kan caalamiga ee dhanka Caafimaadkana la dhiirogaliyo
3. In nidaamka aqoonsiga iyo ruqsad siinta cisbitaalada lagu xirro shuruudaha ay ka mid yihiin; tayada tilnoolojiyada Caafimaadka, xirfadda shaqaalaha, miisaaniyadda cisbitaalka, qaabdhismeeka, baaxadda iyo hanaanka nadaafadda dhismaha ee goobaha caafimaadka.
4. In la hormariyo siyaasad ah sidii dadka loo aaminsiin lahaa Caafimaadka iyo tayada gudaha, taas oo u baahan hoogaamin hufan, run sheegid iyo ka dhaadhicin cilmiyeysan.
Ugu dambeyn, bacdamaa Soomaaliland aysan ka jirrin amni xummo iyo xasilooni darro siyaasadeed waxaan usoo jeedinayaa in ay tacabka iyo talada iskugu geeyaan hormarinta iyo hagaajinta nidaamka Caafimaadka.
W/Q: Bishaar Samadoon
PhD candidate in Health Management, Ankara University,
Email : bcmohamed@ankara.edu.tr

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews