berberatoday.com
Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Weeraradii Alshabaab Ku Qaadeen Fadhiisimaha Ciidanka Somaliya Ee Awdheegle.
April 5, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fadhiisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku Leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

James Swan ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliya oo uu Sheegay in ay si cad u xasuusinayaan sida ay maalin kaste u Sameynayaan naf hurnimada ay ku badbaadinayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu Bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri James Swan.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay askartii ku geeriyooday weerarka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in qasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray iska caabinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews