Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Udhexeeya Soomaalida Iyo Canfarta Oo Ka Dhacay Gobolka Siti
April 7, 2021 - Written by admin
Siti(Berberatoday.com)-Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana laga soo sheegayaa khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan odayaal caanka ah deegaanka Soomaalida, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka ay Canfarta ku soo qaaday dhulka Soomaalida.
Dagaalka ugu culus ayaa ka socda tuulada Garba-Ciise iyo agagaarkeeda, waxaana wararku sheegayaan in magaaladaas la hareeyay oo ay Canfartu go’doomiyeen, iyagoo jaray waddooyinkii Soomaalida isaga xidhnayd.