Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Jabuuti.
May 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga.