berberatoday.com
Lacag Madax Furasho Ah Oo Malaayiin Ah Oo Laga Dalbaday Gabadh Somali Ah Oo Laga Afduubtay Nairobi, Iyo Mid Labaad Oo La la’yahay
June 18, 2021 - Written by admin

Nairobi(Berberatoday.com)-Gabar 23 jir Soomaali ah oo laga afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi, ayaa kooxda haysata waxay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan Shan milyan oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyay wargeyska The Standard.  

Xafsa Maxamed Luqmaan, ayaa Salaasadii 15-kii June laga waayay dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku lahayd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii. 

“Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo ahayd Arbacadii, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa.

“Waxaan aad uga walaacsannahay inay waxyeelo u gaysan karaan,” ayuu yidhi.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee dukaanka Xafsa, ayaa muujiyay iyada oo dukaanka galaysa saacaddu marka ay ahayd 4:44pm Salaasadii, iyada oo ay wehliso gabadh kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdulwahaab.

Labada gabdhood, ayaa durba u baxay deegaanka Kayole, iyada oo aan la ogayn sababta. Waxaa hadda soo baxday in sidoo kale Xafsa Cabdulwahaab oo qare ku iibisa deegaanka Kayole iyana la’a yahay.

Galabniiimad Arbacadii, kooxda afduubka gaysataya, ayaa soo dirtay muuqaal 35 ilbidhiqsi ah oo muujinaya Xafsa Maxamed Luqmaan oo indhaha ka daboolan, gacmaha iyo lugahana laga xidhay, iyada oo ay ka muuqdaan jidh dil.

Xafsa, ayaa la maqlayay iyada oo qoyskeeda ku leh “Waa lay afduubtay, waxayna dalbanayaan madax furasho, fadlan siiya.”

Qoyska Xafsa Maxamed Luqmaan, ayaa hadda dalbanaya in si deg deg ah loo soo faro-geliyo arrintan. Sidoo kale qoyska Xafsa Cabdulwahaab, ayaa iyaguna booliska ka codsaday inay caawiyaan gabadhooda.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews