berberatoday.com
Saamaynta Isku-shaandheynta Madaxweyne Biixi Ku Sameeyey Golihiisa Wasiiradu ay Ku Yeelatay Maamulka Wasaaradaha Dawladda W/Q Cabdalla Ismaaciil Yaasin Baallo
September 8, 2021 - Written by admin

QORE: CABDALLA ISMACIL YASSIN (BAALO)

HORDHAC

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo saaray 02.09.2021 Wareegto Madaxweyne oo uu wax kaga bedelay  Xubnihiisa Golaha Wasiirada JSL iyo Hayadaha Madaxa banaan,Wareegtadan oo koobnayd laba qaybood:Xil ka qaadis iyo Magaacabis.

Hadii aan ku horayno qaybta hore ee Masuuliyiinta Xilka laga qaaday, Madaxweynaha JSL waxa uu Xilkii ay qaranka u hayeen ka qaaday 10 Masuul oo kala ah  5 wasiir,2 wasiir ku xigeen,Gudoomiyaha Banka JSL,Gudoomiyihii Hayada shaqaalaha Dawlada iyo Safiirka Safaarada JSL ee wadanka Itobiya.

Qaybta labaad ee Wareegtadu waxay ahayd Magaacabis,Waxaanay ka koobnayd wareegtadani magaacabista ahi 25 Xubnood oo kala ah 7  Wasiir oo Cusub , 4 Wasiir oo laga bedelay Wasaradahoodii hore, 5 Wasiir ku xigeen oo cusub, 6 Wasiirkuxgeenka oo laga bedelay wasaaradoohodi hore, Wasiirkii hore Wasaarada Maalgashiga oo loo Magacaabay  Safiirka Safarada JSL dalka Itobiya,Gudoomiyaha Bank JSL iyo Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada.

Hadaba Iskushaandhaynta uu  Madaxweynuhu ku  sameeyey Xukumadiisa,  waxa lagu tilmaaamay inay tahay Iskushaandhayntii  ugu Balaadhnayd ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Golahiisa Wasiirada tan iyo  intii uu Xukunka la wareegay Dhamaadkii sanadkii 2017.

Waxaan doonayaa inaan Maqaalkan ku soo bandhigo sidee ayay Wareegtadan Madaxweyne Biixi soo saaray 02/09/2021, ay u saamaysay  Guud ahaan  Maamulka Wasaaradaha Xukuumada JSL iyo Golaha Wasiirada JSL.

Si aynu fahano arinkaas waxaan sharaxaynaa Saamaynta ay Wareegtada Madaxweynuhu ku yeelatay Qodobadan hoos ku qoran:-

  • Tiradii Golaha Wasiirada JSL
  • Tirada Golaha Wasiirada ee xilkooda waayay/ama laga saaray Golaha Wasiirada(%)
  • TIrada Wasiirada Cusub ee la Magacaabay iyo Wasiirada Xilkoodii loo daayay(%)
  • Tirada Wasiir ku xigeenada laMagacabay iyo Kuwa labedelay(%)
  • Guud ahaan TIrada Golaha Wasiirada JSL ee madaxweynuhu Magacaabay (%)
  • Sidee ayay Wareegtadu u Saamaysay Maamulka 23 Wasaaradood ee JSL

 

QODABKA 1’AAD: TIRADA GOLAHA WASIIRADA JSL:-

Guud ahaan Wareegtada Madaxweyne Biixi soo saaray 02/09/2021, Waxay saamaysay Tiradii Golaha Wasiirada JSL oo hore u ahaa 32 Xubnood(23 Wasiir/9 Wasiir kuxigen), iyada Wareegtadani ku soo kordhisay 4 Xubnood oo cusub taas Tirada Guud ee Golaha Wasiirada JSL ka dhigaysa 36 Xubnood (23 Wasiir/13 Wasiir kuxigeen), Madaxweynuhu Waxba kumu soo kordhin Tirada Wasaaradaha iyo Wasiirada(23), ee waxa uu kordhiyey Tiradii Wasiir ku xigeenada oo 4 Wasaradood  u sameeyey Wasiir ku xigeeno,  taas oo tirada guud ee Xubanaha Wasiir kuxigeenada ka dhigaysa 13 Xubnood halka markii hore ay ka ahaayeen 9 xubnood.

 

Faahfaahin Tirada G/Wasiirada hore Tirada G/Wasiirada Cusub Farqiga/%Kordhay
TIrada Wasiirada 23 23 0
Tirada W/Xigeen 9 13 4
Tirada Guud 32 Xubnood 36 Xubnood 4(11%)

 

QODOBKA 2’AAD: TIRADA WASIIRADA XILKOODA WAAYAY/AMA LAGA SAARAY GOLAHA WASIRADA:-

Guud ahaan Xubnaha Golaha Wasiirada JSL ee waayay Xubinamadoodii Golaha Wasiirada JSL ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waa 9 Xubnood(7 Wasiir& 2 W/Xigeen).

5 Wasiir & 2 W/Xigeen waxa lagu saamayay Xil kaqaadis,1 Wasiir waxa laga dhigay Safiirka Safarada JSL e Itobiya iyo 1 Wasiir oo iska iskacasilay Wasiirnimada oo ka mid  noqday Xildhibaan Golaha Wakiilada JSL.

Taas Macnaheedu waxa weeye 30%- Xubnihii  Gollaha  Wasiirada JSL waxay waayeen Xubinamadoodi, sida ku xusan Faahfaahinta Table hoose:-

Faahfaahin Tirada Wasirada Xilooda waayay/ Tirada G/Wasiirada Farqiga(Tirada Wasiirada xilkooda aan waayin)
Wasiir 7 23 16
W/Xigeen 2 9 7
TOTAL 9 (30%) 32 (100%) 23 (70%)

 

QODOBKA 3’AAD: TIRADA WASIIRADA LA MAGACAABAY IYO WASIIRADA XILKOODII LOO DAAYAY (%):-

Guud ahaan Tirada Wasiirada Cusub iyo kuwa uu laga  bedelay Wasaaradihii hore sida ku xusan wareegtada madaxweynaha JSL waa 11 Wasiir( 7 Wasiir oo cusub iyo 4 Wasiir la isku bedelay).Sidoo kale tirada guud ee Wasiirada Xilkoodii iyo Wasaaradahoodii haysta waa 12 Wasiir.Tirada Guud ee Xubnaha Wasaaraduhu waa 23 Wasaaradood.

 

Faahfaahin Tirada Wasiirada %
Wasiirada la magacaabay 11 48%
Wasiirada Xilkooda hore loo daayay 12 52%
TIRADA GUUD 23 100%

 

Taas macnaheedu waxa ay noqonaysaa Madaxweynaha JSL 48% Maamulkii Wasaardaha JSL wuu bedelay oo waxa uu u magaacabay Xubno Wasiiro Cusub ama Maamul Cusub. Halka 52% uu u daayay Maamulkoodii iyo wasaaradahoodii hore.

 

QODOBKA 4’AAD: TIRADA WASIIR KUXIGEENADA LA MAGACAABAY/CUSUB ama LA ISKU BEDELAY:-

Sida ku Cad Wareegtada Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Cabdi ee soo saaray 02/09/2021,Tirada Wasiir ku xigeenada lagu magaacabay waa 11 Wasiir ku Xigeen,Xubnahaas oo isagu jira Xubno cusub(5 Xubnood) iyo Xubnihii Hore oo la isku bedelay(6 Xubnood) ama wasaarada kale loo Bedelay. Waxa wareegtada ku xusan in afar wasaaradood aan hore Wasiir ku xigeeno u lahayn lagu soo kordhiyay imika, Sida wasaaradaha,Ganacsiga, Biyaha,Cadaalada,iyo Wasaarada  Arimaha Gudaha oolagu soo kordhiyey Wasiir ku xigeen labaad.

Guud ahaan Tirada Wasiir ku xigeenada JSL waxa ay noqonayaan 13 Xubnood halka markii hore ay ka haayeen 9 xubnood.

Faahfaahin Tirada %
Wasiir/Xigeenada la magacabay 11 85%  Maamul cusub
Wasiir/Xigenadi  hore u joogay 2 15%
TIRADA GUUD 13 100%

 

Taas macnaheedu waxa ay noqonaysaa in 85% Xubnaha Wasiir kuxigeenada JSL loo bedelay Wasaaradu cusub(11 Xubnood), Halka 15% loo daayay waasaradahoodii hore  ( Only 2 Wasiir ku xigeen). Labada Wasiir ku xigeen ee Loo daayay xilkoodii hore waa: Wasiirkuxigeenada Wasaaradaha, Xanaanada Xoolaha/Kaluunta iyo Horumarinta Wadooyinka.

QODOBKA 5’AAD: GUUD AHAAN TIRADA GOLAHA WASIIRADA EE LA MAGAACAABAY (%)

Guud ahaan Tirada Golaha Wasiirada JSL ee uu Magacaabay Madaxweynaha JSl Mudanae Muuse Biixi Cabdi waa 22 Xubnood, oo isagu jira Xunbo cusub iyo Xubno hore u joogay oo isku bedel ku sameeyey.

Hadaba Marka la barbardhigo  Tirada Golaha Wasiirada JSL ee Madaxweynuhu Magacaabay oo ah 22 Xubnood, Tirada  Golaha Wasiirada JSL oo ah 36 Xubnood waxay Saami ahaan noqonaysaa in 61%,oo macnaheedu noqonayso Wareegtada Madaxweynuhu waxa  ay  saamaysay 61% Tiradii Golaha Wasiirada JSL oo ah 22 Xubnood, halka 39% Tirada Golaha Wasiirada JSL aanay saamayn oo ah (14 Xubnood).

Faahfaahin Tirada Golaha Wasiirada la Magacabay ee  JSL Tirada Golaha Wasiirada hore JSL Tirada Guud Golaha Wasiirada JSL
Wasiirada 11 xunbood 12 Xubnood 23
Wasiir Ku Xigeen 11 Xubnood 2 Xubnood 13
TOTAL 22 Xubnood(61%) 14 Xubnood(39%) 36 Xunbood(100%)

 

QODOBKA 6’AAD: SIDEE AYAY WAREEGTADU U SAAMAYSAY MAAMULKA 23 WASAARADOOD JSL:-

Guud ahaan Wareegtada Madaxwenaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray 02.09/2021, Waxay Saamaysay Maamulka 17 Wasaaradood, Halka Mamulka 6 Wasaaradood aanay saamayn. Wasaaradahaas waxay isagu jiraan Wasaaradu Wasiiro cusub loo magacaabay ama la iskubedelay, iyo Wasaaradu Wasiirku xigeeno cusub lagu soo kordhayey ama la Iaga bedalay Wasiir ku xigeenadii hore.

Tirada Guud Wasaaradaha JSL Tirada Wasaaradaha JSL ay saamaysay Wareegtadu Tirada Wasaaradaha JSL aanay Saamayn Waraagtadu
23 Wasaaradood 17 Wasaaradood 6 Wasaaradood
23 (100%) 17 (74%) 6 (26%)

Taas macnaheedu waxay noqonaysaa in Wareegtada Madaxwenaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray 02/09/2021, Inay Saamaysay  Maamulkii Wasaaradaha JSL 74% (17 Wasaradood) oo isagu jira Wasaaradu uu Wasiiradii iyo Wasiir ku xigeenadii ka bedelay, Wasaaradu uu Wasiiradii ka bedelay iyo Wasaaradu uu Madaxweynuhu  Wasiirkuxiggnadii ka Bedelay ama Wasiir kuxigeeno u sameeyey. Waxa kale oo wareegtadu aanay saamayn 26% (6 Wasaaradood) Maamulkii Wasaaradaha oo isugu jira Wasaaradu aanu madaxweynuhu ka bedelin Wasiiradii iyo Wasiir ku xigeenadoodii.

Lixda  Wasaaradood aanay Saamayn Wareegtada Madaxweynuhu waa:Wasaaradaha 1.Gaashaandhiga,2. Deegaanka, 3. Boosaha & Isgaadhsiinta, 4. Shaqada & Arimaha Bulshada, 5.Dastuurka & Xidhiidhka Golayaasha iyo 6. Xanaada Xoolaha/Kaluunka. Fadlan Table hoose ka akhri 17 Wasaaradood ee Maamulkoodii ay saamaysay Wareegtada Madaxweynuhu:-

 No 17 Wasaarood ee ay saamaysay Maamulkoodii Wareegtada Madaxweynuhu
Wasaradaha laga bedelay Maamullkii / loo MagacaabayWasiir &Wasiir ku xigeen Wasaaradaha laga bedelay Maamulkii /loo magaacabay Wasiiro Wasaaradaha laga bedelayMaamulkii/loo Magacaabay Wasiir kuxigeeno
1 Wasaarada Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL Wasaarada Horumarinta Wadooyinka JSL Wasaarada Arimaha Gudaha JSL
2 Wasaarada Horumarinta Caafimaadka ( WHC) Wasaarada Hawlaha Guud,Dhulka iyo Guryeynta Wasaarada Cadaalaha JSL
3 Wasarada Qorshaynta & Horumarinta Qaranka (WQ&HQ) Wasaarada Horumarinta Beeraha JSL Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska
4 Wasaarada Horumarinta Biyaha JSL Wasaarada Macdanta iyo Tamarta JSL Wasaarada Horumarinta Maaliyada JSL
5 Wasaarada Maalgashiga iyo Wershadaha JSL Wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka JSL
6 Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL Wasaarada Waxbarashada JSL
7 Wasaarada Diinta iyo Awqaafta JSL
Total 4 Wasaaradood 7 Wasaaradood 6 Wasaradood

 

  • GEBO GEBO (SUMMARY)

Hadaba Hadii aynu soo koobno Lixda Qodob ee Nuxurka Qoraalkan, ee ku saabsaanaa Sharaxaad iyo Faahfaahin aynu ku samaynay Wareegtadii Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray 02/09/2021, ee Nuxurkeedu ahaa Xil ka qaadis, Magaacabis iyo isku bedel ee ku samameyey Golaha Wasiirada JSl iyo Xukumadiisa, iyo sidii ay wareegadu u saamaysay Maamulka Wasaaradaha iyo Xukuumada.

Waxa aynu Shaxda(Table) ee hoose ku soo koobaynaa Guud ahaan Saamaynta ay ku yeelatay Wareegtada Madaxeynuhu Guud ahaan Maamulka Wasaaradaha iyo Xubanaha Golaha Wasiirada JSL:-

Qodabka Faahfaahin Faahfaahin  Saamaynta Wareegtada Madaxeynaha JSL ee Maamulka Wasaaradaha iyo Golaha Wasiirada JSL
1 Tirada Golaha Wasiirada JSL Wareegtada Madaxweynuhu waxa ay saamaysay Tiradii Golaha Wasiirada JSL oo hore u ahaa 32 Xubnood(23 Wasiir,9 W/Xigeen), iyada oo wareegtada Madaxweynuhu Ku soo kordhisay 4 Xubnood(11%), taas oo Tirada Golaha Wasiirada JSL ka dhigaysa 36 Xubnood(23,Wasiir,13 W/Xigeen.NOTE: Waxba iskama bedelin TIradii Wasaaraha iyo Wasiirada, ee waxa la kordhiyay Tiradii Wasiir ku xigenada ee Wasaaradaha.
2 Tirada Golaha Wasiirada JSL ee Xilkoodii waayay, ama laga saaray Golaha Wasiirada JSL Guud ahaan Tirada Golaha Wasiirada JSL ee Xilkoodi waayay ama laga saaray Golaha Wasiirada JSL waa 9 Xubnood. 5 Wasiir iyo 2 Wasiir kixigeen waxa lagu sameeyey Xil ka qaadis, 1 Wasiir waa is casilay oo Golaha Wakiilada ayuu ka mid noqday, 1 Wasiir waa laga saaray Golaha wasiirada oo waxa loo magacaabay Safiirka Safaarada JSL ee Itobiya.Marka la barbardhigo Tirada Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xilkooda waayay ee 9 xubnood ah, Tirada Golaha Wasiirada JSL ee hore 32 Xunood ahaa,Taas macnaheedu waxa uu noqonaysaa 30% Xubnihii Golaha Wasiirada JSL waxay Waayeen Xilkooda.
3 Tirada Wasiirada la magacaabay iyo Wasiirada Xilkoodii hore loo daayay. Sida ku Xusan Wareegtada Madaxeynaha JSL Guud ahaan Tirada Wasiirada la Magaacabay waa 11 Xubnood, 7 Xubnood waa cusub yihiin Golaha Wasiirada, 4 Xubnood waxa laga bedelay Wasaaradahoodii hore. Guud ahaan Tirada Wasiirada  JSL waa 23 Wasiir, tirada Wasiirada loo daayay Xilkoodii hore iyo wasaaradahoodii waa 12 Xubnood, Taas macnaheedu waxa ay noqonaysaa Madaxweynaha JSL 48% Maamulkii Wasaardaha JSL wuu bedelay oo waxa uu u magaacabay Xubno Wasiiro Cusub ama Maamul Cusub(11 Wasaaradood). Halka 52% uu u daayay Maamulkoodii iyo wasaaradahoodii hore(12 Wasaradood)
4 Tirada Wasiir kuxigeenada La magacaabay,Cusub ama la iskubedelay. Sida ku Cad wareegtada Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Cabdi ee soo saaray 02/09/2021,Tirada Wasiir ku xigeenada lagu magaacabay waa 11 Wasiir ku Xigeen,Xubnahaas oo isagu jira Xubno cusub(5 Xubnood) iyo Xubnihii Hore oo la isku bedelay(6 Xubnood) ama wasaarada kale loo Bedelay. Waxa wareegtada ku xusan in afar wasaaradood aan hore Wasiir ku xigeeno u lahayn lagu soo kordhiyay imika, Sida wasaaradaha,Ganacsiga, Biyaha,Cadaalada,iyo Wasaarada  Arimaha Gudaha oolagu soo kordhiyey Wasiir ku xigeen labaad.Guud ahaan Tirada Wasiir ku xigeenada JSL waxa ay noqonayaan 13 Xubnood halka markii hore ay ka haayeen 9 xubnood.Marka la barbardhigo Tirada Wasiir ku xigeenada Cusub oo ah 5 Xubnood  Tirada Wasiir ku xigeenadii hore ee la isku bededalay ama xilkooda loo daayay oo 8 Xubnood ah, Waxay saamiga TIrada Cusub ee Wasiirkuxigeenadu ka noqonayaan 38%. Halka Xubnihii hore ee   Wasiir kuxigeenadu ay noqonayaan 62%.

 

 

 

5

Guud ahaan Trirada Golaha Wasiirada JSL ee Madaxweynuhu Magaacabay ama saamaysay Wareegtada Madaxwynuhu Guud ahaan Tirada Golaha Wasiirada JSL ee uu Magacaabay Madaxweynaha JSl Mudanae Muuse Biixi Cabdi waa 22 Xubnood(11 Wasiir & 11 Wa/xigeen), oo isagu jira Xunbo cusub iyo Xubno hore u joogay oo isku bedel ku sameeyey.Hadaba Marka la barbardhigo  Tirada Golaha Wasiirada JSL ee Wareegtada Madaxweynahu Samaysay  oo ah 22 Xubnood, Tirada  Golaha Wasiirada JSL oo ah 36 Xubnood, waxay Saami ahaan noqonaysaa in 61%,oo macnaheedu noqonayso Wareegtada Madaxweynuhu waxa  ay  saamaysay 61% Golaha Wasiirada JSL oo ah 22 Xubnood oo isagu jira Wasiiro iyo Wasiir kuxigeno, halka 39% Tirada Golaha Wasiirada JSL aanay saamayn oo ah 14 Xubnood ooisag jira 12 Wasiir iyo 2 Wasiir kuxigeen. 

 

 

 

 

 

6

 

Sidee ayay Wareegtada Madaxweynuhu u saamaysay Maamulkii 23 Wasaarood ee JSL

Guud ahaan Wareegtada Madaxwenaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray 02.09/2021, Waxay Saamaysay Maamulka 17 Wasaaradood, Halka Mamulka 6 Wasaaradood aanay saamayn. Wasaaradahaas waxay isagu jiraan Wasaaradu Wasiiro cusub loo magacaabay ama la iskubedelay, iyo Wasaaradu Wasiirku xigeeno cusub lagu soo kordhayey ama la Isku bedalay Wasiir ku xigeenadii hore.Taas macnaheedu waxay noqonaysaa in Wareegtada Madaxwenaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray 02/09/2021, Inay Saamaysay  Maamulkii Wasaaradaha JSL 74% (17 Wasaradood) oo isagu jira Wasaaradu uu Wasiiradii iyo Wasiir ku xigeenadii ka bedelay, Wasaaradu uu Wasiiradii ka bedelay iyo Wasaaradu uu Madaxweynuhu  Wasiirkuxiggnadii ka Bedelay ama Wasiir kuxigeeno u sameeyey. Waxa kale oo wareegtadu aanay saamayn 26% (6 Wasaaradood) Maamulkii Wasaaradaha oo isugu jira Wasaaradu aanu madaxweynuhu ka bedelin Wasiiradii iyo Wasiir ku xigeenadoodii.Lixda Wasaaradood aanay Saamayn Wareegtada Madaxweynuhu waa Wasaaradaha:- 1.Gaashaandhiga,2. Deegaanka, 3. Boosaha & Isgaadhsiinta, 4. Shaqada & Arimaha Bulshada, 5.Dastuurka & Xidhiidhka Golayaasha iyo 6. Xanaada Xoolaha/Kaluunka.

 

 

QOREY: CABDALLA ISMACIL YASSIN (BAALO)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews