berberatoday.com
Siyaasiyiinta Iyo Aqoonyahanka Xisbiyada Mucaaridka Ee Deegaanada Waqooyiga/Galbeedka Hargaysa Iyo Gabiley Oo Shir Ku Yeeshay Hargaysa Iyo Arimaha Lagaga Hadlay! H
September 9, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Beesha Sacad Muuse ee xisbiyadda mucaaridka ( Wadani Iyo Ucid), Ayaa Maanta  kulan muhiim ah ku yeeshay Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Huteelka Baraar.

Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen baddiba Siyaasiyiinta beesha Sacad muuse ee Xisbiyadda Mucaaridka (Waddani Iyo Ucid) Ayaa Ujeedaduna ahayd ka tashiga dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee beelaysan ee Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, rabo in uu marlabaad Salaan ka dhigto Magacii dhaqan ee beesha Sacad Muuse oo aan mahadin hoggaamintiisa, iyo in aan guddida dhaqan ee beesha cid gaar ah u adeegsan danaheeda siyaasadeed iyadoo ay siqotodheer ufalan qeeyeen qaabkii loo isticmaalay magaca sacad muuse doorashadii dalka ka dhacay 2017 oo beesha dhaawac iyo samcad xumo wayni kazoo gaadhay,

Halka Muddadii Afarta Sanadood ahayd ee uu hogaanka Dalka hayay Muuse biixi bulshadda beesha sacad ku hayay, boob dhul iyo beeraba, barakicin bulsho, xadhig ,Sharaf dil, awood sheegasho iyo tacadiyo farabadan,  kagana dhabeeyay hanjabadii iyo goodintii ahayd  fartiinaydun  eedi, Muuse biixi wuxuu marlabaad u soo xaytay inuu gudidii hoodaale salaan ka dhigto iyadoo qoorwaynta xisbiyadda Mucaaridku  wax iska waydiiyeen sidii loo samata bixin lahaa, magac dilkaa beesha lagula kacayo, iyo gawaanka madhan ee la qorsheeyay in codkooga lagu haaneedo.

Bulshadaa Woqooyiga Iyo galbeedka Hargeisa oo gaddood iyo bisayl badani ka jiro, kana sii jeestay xisbiga iyo xukumadiisa Kulmiye, iyadoo marag u tahay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiiladda iyo Deegaanka  ay Beeshu 40% u codaysay xisbiyada Mucaaridka ah isla markaana aan wakhtigan xisbi gaar ah loo tirin Karin beesha iyo deegaanada ay dagto, oo si dhaw ula socda qorshayaasha loo maleegayo iyagoo xasuusan wixii ku dhacay umaddii balaadhnayd ee deganayd buurta kala jeexan,dhulkii ina xsan Dalab ee madaxwaynuhu sida shakhsiga ah ula wareegay, barakicintii beero balaadhsiga ahaa ee beeralayda  degmadda daarasalaam  dhulkoogii lagula wareegay oo sababay in  bulshadaasi  qaxooti ku noqoto isla deegaankeedii. Iyadoo Madaxwaynuhu muda xileedkiisii ku soo afmeeray, murame dhul iyo barakicinta bulshadii inta badan cadceeda u taagnayd, sida deegaanka mukhaayada inanta iyo Banka wajaale oo si badheedh  ah lagula wareegay dhulkoogii kaas oo wax yar ka noqonaya, tacadiyada uu umadan kula kacay muddadii Uu Xilka hayay, ayaa lagu gorfeeyay Kulanka, iyadoo si adag looga hadlay curyaaminta dhaqaale iyo naafaynta uu ganacsatadii deegaanka ku hayay mudaddaasi.

Gaba-gabadii waxa Kulankaas lagu sameeyay  Guddidada Isbahaysiga Sacad Muuse ee Xisbiyadda Mucaaridka , ujeedada loo aasaasayna tahay in ay  siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku aragti mid ah uga qaadaan lahaayeen sidii looga hor tagi lahaa in magaca beesha sacad muuse iyo xukumada talada haysaan aanay isku milmin ismarkaana dhibta iyo waxkasta oo xukuumadu gaysato aanay mustaqbalka usaamaynin aayaha danbe ee beesha sacad muuse taasi oo ay isla qaateen in meel looga wada jeesto sidii looga badbaadin lahaa si aanay meesha uga bixin xidhiidhka iyo wax wada lahaanshaha ay beesha sacad muuse la leedahay beelaha kale ee reer Somaliland.

Sidoo kale  Gudida Isbahaysiga mucaaridka ayaa  la kulmi doonta guddida Hoodaale, si  guddida dhaqanka ee hoodaale dhex uga noqoto arimaha siyaasadda, maadaama ay beeshu Mucaarid iyo Muxaadiba leedahay, si looga baaqsado kala jab iyo kala qaybsanaan beesha dhaqankeeda ku yimaadda,

Waxa kale oo ay guddidu ka hawl galaysaa In dadkaa la barakiciyay , lagu tacadiyay ee aan kor ku soo sheegnay , laga hawl galo sidii ay u heli lahaayeen, cadaalad iyo hantidii laga dhacay, ee dhul , beero iyo hanti kalaba lahayd, Waxa kale oo ay la kulmi doonaan Waxgaradka, ganacsatada iyo waayeelka deegaanadaasi,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews