berberatoday.com
Murrashaxnimada Cirro, Damaca Xirsi Iyo Qorshaha Mus-dambeedka Fallo’Wargeyska Saxansaxo
September 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shaacinta murrashaxnimada Guddoomiyaha Waddani ee uu maanta ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Cirro inuu mar kale isu soo sharaxayo xilka Guddoomiyenimo ee Xisbigaas oo uu yahay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2012-kii, ayaa waxa ay meesha ka saartay warar maalmihii u dambeeyey la isla dhex marayey oo ku saabsanaa in Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan lagu wareejinayo Guddoomiyenimada Waddani.
Tallaabadan uu Cirro ku shaaciyey murrashaxnimadiisa, ayaa u muuqata mid uu ku doonayo inuu mar kale ku sii xejisto Xilkiisa guddoomiyenimo, isaga oo isla sannadkan Murrashaxnimadiisa xilka Madaxweynenimo ee doorashada 2022-ka, sii habaystay oo dib loogu doortay shirkii golaha dhexe ee Xisbigaasi.
Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdiqaadir Jirde oo ah labada nin ee mid walba gaarkiisa u quudaraynayey in lagu wareejiyo Guddoomiyenimada Waddani, ayey u badan tahay in ay sheegeen maalmaha soo socda in ay iyagu u tartami doonaan Jagada Guddoomiyaha Waddani.
Damaca Xirsi
Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ah Hoggaamiyaha Waddani, ayaa ah nin uu si weyn damac uga hayo inuu noqdo Guddoomiyaha Waddani, isla markaana haddii aan toos loogu wareejin doonaya inuu loollan adag la galo Guddoomiye Cirro.
Xirsi oo ah siyaasi saameyn ku dhex leh Waddani, ayaa isu arka inuu yahay Masuul wakhtigan ku haboon in lagu wareejiyo Waddani, madaama oo uu Xisbiga soo dhisayey muddo, isla markaana Deegaannada uu ka soo jeedaa aanay saddexda Xisbi midna Guddoomiye ka ahayn inuu ka faa’iidaysto fursadaasi, si Xisbiguna u kasbado taageerada beeshiisa.
Inkasta oo waxyaabaha Xirsi laftiisu is tusay ay ku gedaaman yihiin weydiimo kale oo duruufahooda wata.
Qorshaha Mus-dambeedka Waddani.
Xisbiga Waddani, ayaa lagu tilmaamaa in taladiisa u dambaysaa aanay ka go’in Guddoomiyaha Xisbiga, marka laga hadlayo arrimaha masiiriga ah ee khuseeya Mustaqbalka Xisbiga Waddani, waxaana jira koox mus-dambeed ah oo arrimaha qaarkood loo celiyo, xubnahan oo isugu jira ganacsato, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo qurbo-joog.
Xubnahan mus-dambeedka ah, ayaa la sheegay in ay aamisan yihiin in aan lagu deg degin wareejinta Xisbiga, madaama oo xilli hore ay tahay doorashada madaxtooyadana ka hadhsan tahay muddo sannad iyo billo ah, sidoo kalen aan la hubin qabsoomideedaba.
Xubnaha ayaa qaarkood aamisan yihiin in haddii Xisbiga la wareejinayo aad looga fikiro, wakhtiga la wareejinayo, cidda lagu wareejinayo iyo waxyaabaha la dhaafsadayo, oo codka kow ka yahay.
Mus-dambeedka Waddani, ayaa la sheegay in ay qaarkood aamisan yihiin in Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo ah siyaasi saameyn weyn ku dhex leh deegaannadiisa, isla markaana wax weyn Waddani ku soo kordhin kara in la raadiyo oo lagu qanciyo inuu Waddani iyo Murrashaxnimada Cirro inuu taageero, taas beddelkeedana loo ballan qaado in Xisbigu lagu wareejiyo marka doorashadu soo dhawaato ee shan bilood amma lix bilood ka hadhsan tahay, inta ka horreysana uu ka shaqeeyo sidii dib u abaabul iyo isku xidh ugu samayn lahaa Beeshiisa, Siyaasiyiinta amac leh ee deegaankiisana uu u kasban lahaa.
Maxamuud Xaashi ayey u arkaan Siyaasi kalsooni weyn ku dhex leh deegaannadiisa, iyaga oo ka qiyaas qaadanaya doorashada Madaxtooyada ee uu ku dhisayey Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaabkii uu uga hawl galay deegaanadiisa doorashadii u dambaysay ee Deegaannada iyo Wakiillada.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews