berberatoday.com
Dawladda Norway Oo Dib Ubilaabaysa Taageero Dhaqaale Oo Ay Dhawaan Ka Joojisay Somaliland!
September 12, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Norway, ayaa dib ugu soo noqotay ka Mid ahaanshaheedii Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), Kaasi oo ay ka baxday dhawaan.

Dawladda Norway ayaa dib u bilaabaysa Lacago ay ku shubi jirtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ka dib Wada-hadallo Magaalada Hargeysa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya iyo Haweenay ka mid ah Waaxda Nabadda iyo dhexdhexaadinta ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway iyo Weliba Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway.

Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo safar ku jooga Magaalada Hargeysa, isla-markaana ka qayb-galay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga ka socday Dawladda Norway, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News uga warramay waxyaabaha Weftiga Norway kala hadleen Madaxweynaha ama ku war-geliyeen, waxaanu sheegay in Warka wanaagsan ee Weftigaasi Somaliland u sideen uu ahaa inay dib u bilaabayaan Kaalmadii ay ku soo shubi jireen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Norway, beri dhexdaa ahayd ayay ka baxday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo lacagtii la joojiyey, laakiin Lacagtaa dib bay ugu soo noqdeen (Somaliland dib bay ugu bilaabayaan), waa Warkii ugu Qiimaha badnaa ee ay inoo sideen, iyadoo Lacagtaasi Mashaariic badan wax ka tari doonta, isagoo Madaxweynuhu qiray in markii Norway lacagta bixin jirtay in waxyaabihii lagu qabtay ahaayeen wax la taaban karo.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews