Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Mar Walba Somaliland Diyaar-Bay U Tahay Inay Caawiso Soomaaliya…”
September 13, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay xaflada qalinjabinta Jaamacadda Camuud, ayaa sheegay in hadii dowlada Soomaaliya ay ogolaan lahayd jiritaanka Somaliland, ay Somaliland caawimo ka gaysan lahayd dhibaatooyinka ka dhaca Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu tahay walaalaha ugu xiga ee reer Somaliland leeyihiin, isla markaana Somaliland ay caawimo ka gaysatay dhibaatooyin badan oo Soomaaliya ka dhacay, isla markaana Somaliland diyaar u tahay in ay siiwado caawimada lakin maamulka la kala leeyahay.