berberatoday.com
Socdaalada Madaxweyne Biixi Ee Gobolada Dalku Waxey Tusaale U Tahey In Lagaga Qiyaas Qaadan Karro Qorsha La,aantiisa Hogaamineed! (Warbixin)
September 15, 2021 - Written by admin

Gabiley(Berberatoday.com)-Kadib Markii Boqolaal Qof Oo Habeenkii Xaley Uga Soo Baqoolay Magaalada Hargeysa, ha ugu badnaadeen Haween, Saraakiil Iyo Shaqaale Dawladeed, iyo Dad kale oo Abaabul loogu soo Xoojiyay, iyo Waliba Wasiirada La socda, ayaa Markii uu Soo Gaadhay Madaxweyne Biixi Magaalada Gabiley Socod Kooban oo lug ah, Qadar La Lugeeyay Wajahada Sanlaawaha Ee Kadinka Galbeed Ee magaalada Gabiley haseyeeshee, Waxa Sawirka Xaqiiqda dhabta ah ee Rabitaanka Bulshada iyo halka laga Taagan Yahey si dhab ah Dibada ugu Soo Baxey Markii Uu ku Dhex Marey Gudaha Magaalada Gaadiidkii Uu Saarnaa ee Gaarka u ahaa isagoo Gacanta Salaan u Fidinya, Waxa goob kasta Ka Muuqatey inaan Salaantaasi Cidi ka Jawaabin, haba ugu Darnaato Halka ugu Dadka Badneyd, ee Geedka Bunka Gabiley oo Shacabkii ugu Tirada badnaa ku Sugnaa, habayaraatee Ma jirin Cid Madaxweynaha uga Jawaabtay Salaantii uu Gacanta Fidiyay.

 

Marka hoos loogu dhaadhaco, Xaqiiqda dhabta ah, ee Mar Walba ku Lamaan Socdaalada uu Ku Taggo Gobolada Mudo imika laga joogo 4 Sanadood oo uu Talada Dalka hayey Majiraan Habayaraatee, Wax Midha dhal ah, iyo Natiijo Ku Saleysan Mawduucyo Siyaasadeed, iyo Martabo Madaxweyne oo Socodkiisu ku Qiima Galiyo Shacabka iyo Bulshada Deegaanka Kasta oo uu Booqdo, Marka laga Reebo Gaadiidka Tira badan, Ciidamada Tira badan, iyo Wasiirada iyo Buuqa Tira badan Midba.

Gabiley, oo Kamid ah Magaalooyinka Wakhtiyo badan lagu Sheegayay in Taageerada, Madaxweyne Muuse Biixi Ay kamid Tahey Meelaha Bud-dhiga u ah, haddana Waxa Muuqata in ay hada Kamid Tahey Meelaha Laga Baadi doonayo, Taageero aan Quluubta Shacabka iyo Dadweynaha midna ku dhisnayn, iyadoo ay Maalin Walba Taagan Tahey, halka Saldhiga u ah Waxa ay Shacabku kaga Niyad jabeen Madaxweynaha, ha ugu Weynaato Baratakool la,aanta ka Muuqata hab Maamuuska Socdaalkiisa, iyo Qorsha La,aanta Hogaamineed, oo ka Turjumaysa in Wax Waliba Kusoo ururayaan “Dhalanteedka Beenta ah Bulshadaa u Dhaawacan”, hadaynu Tusaale kooban usoo Qaadano had iyo jeer Khudbada uu jeedinayo, iyo Dhacdooyinka Ku Lamaan Nidaamka Dawladnimo, Waa Kuwa aan Shaqo isku Lahayn, Waxaana Cad in aanu Madaxweynuhu u Jeedin in Shacabkiisa uu kala hadlo Arimo Ku Saabsan Xaqiiqda Nolol Bulsheed iyo Wacyiga jirra taas, oo aanay islahayn habayaraatee  Arimaha ugu Waaweyn ee uu ku Hawlan Yahay Mudo Xileedkiisa oo ah mid aan Cidna ka Qarsoonayn, iyo Waxa uu Shacabka kala Hadlayo.

Sikasta, oo ay Arimuhu Yihiin, Wax Kasta, oo aan Xaqiiqda Ku Salaysnayn, oo Madaxweynuhu kala hadlo Shacabkiisu, Waa mid aan Taariikh Aduunyo, iyo Mid Aakhiro midna u Fiicnayn in Hogaamiye iyo umadiisu aanay Daacad kuwada Socon, Mana aha Mid Gabiley Ku Kooban, Waa mid Somaliland oo dhan Mase ka ah, Waana Qoddobka Sababta u Noqon Doonta inaan La Jeclaanin, oo dhabarka loo jeediyo haddii Qorshe la,aan Hogaamineed Hawshu ku Socoto.

 

 

Xigasho Wajaalenews.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews