berberatoday.com
Xukuumada Jabuuti Oo Ka Hadashay Xaalada Caafimaad Ee Madaxwayne Geele Iyo Xaqiiqada Wararka Laga Baahinayo!
September 15, 2021 - Written by admin

Jabuuti(Berberatoday.com)-24sacadood ee udanbeeyay waxaa warbaahinta qaar iyo baraha bulshadu ku kulanto la baahinayay warar sheegaya in madaxwaynaha dalka jabuuti ay lasoodarista xaalad caafimaad daro oo loogu qaaday cisbitaal dibadeed,

Habada wasiirka wasaarada arimaha dibada dalka jabuuti oo barta uu ku leeyahay twuterka ku baahiyay qoraal ayaa sheegay in madaxwayne geele xaaladiisa caafimaad fiican tahay islamarkaana uu umarayo hubin caafimaad balse aanay jirin xaalad caafimaad daro oo lasoo darista.

Isagoo ka hadlaya wuxu yidhi; “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog.”

sidoo kale wasiirku wuxu  sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baadhitaan caafimaad “sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uuna dalka ka bixin xagaagii oo dhan.”

“Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo” Ayuu yidhi wasiirku.

Hadalka kazoo yeedhay wasiirka arimaha dibada dalka jabuuti ayaa noqonaya mid abuuray dareeno shaki ismarkaa xaqiijinaya in madaxwayne geele ku jiro xaalad caafimaad wallow aanu si toosa usheegin inta ay leeg tahay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews