berberatoday.com
KULMIYE Oo U Muuqda Inuu Hayo Dhabihii Xisbigii UDUB Ku Burburay + Siyaasiyiintii Iyo Taageerayaashii Ugu Badnaa Oo Ka Hulleelaya Wakhti Doorasho Foodda Inagu Soo Hayso!
September 24, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiin badan oo isugu jira Wasiirradii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga KULMIYE iyo kuwo siyaalo kala duwan uga baxay xisbul muxaafidka oo in muddo ahba dibad joog ka ahaa xarumaha dawladda iyo xisbiga ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey kulamo ballaadhan oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd uga socdeen magaalada Hargeysa.

Xubno badan oo miisaan weyn ku lahaa xisbiga KULMIYE horena xilal kala duwan oo Wasiirro, Safiirro, Maareeyayaal, Guddoomiyayaal iyo siyaasiyiin KULMIYE ahaaba ku jiraan ayaa waxa ay toddobaadkii ugu dambeeyey kulamo xidhiidh ah ku lahaayeen huteello ku yaalla caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kulamadaasi oo aan loo ogolayn saxaafadda ayaa waxa wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhayaa tibaaxayaan in ay iskula meel dhigeen qorshayaal siyaasadeed oo ay gabi ahaanba si rasmi ah ugu xuub siibanayaan sidii ay guluf ama dagaal siyaasadeed oo culus ugu qaadi lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa.

Xogaha wargeyska Foore kulamadan ka helay waxa ay tibaaxayaan in kulamadaasi maalmihii ugu dambeeyey ka soconayeen Hargeysa iyada oo ujeedadoodu tahay sidii ay marka hore isku xaal waraysan lahaayeen marka xigana uga tashan lahaayeen bal tallaabooyinka siyaasadeed ee ay si wada jir ah u qaadi karaan iyaga oo isku duubban oo si wada jir ah u wajahaya xaaladda siyaasadeed ee ku gedaaman maadaama ay dalka ku soo wajahan tahay doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo wakhtigeedu ku aaddan yahay dhammaadka sannadka soo socda ee 2022.

Inkasta oo aanay noo suurto galin in aanu wada helno magacyada kulamadan ka qayb galay ama ay ay fikraddani midaysay ee isku mabda’a, haddana waxa si weyn loo hadal hayaa saamaynta ay kulamadan iyo abaabulkooda ku leeyihiin xubno ay ka mid yihiin wasiirradii hore Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Aadan Qabo, Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar, Jaamac Shabeel iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Maareeyayaal, Badhasaabo hore iyo xubno xilal sare ka soo qabtay xisbiga KULMIYE kuwaasi oo dhammaantood ay midaysay ujeeddo kali ah oo ah sidii ay dagaal siyaasadeed ula gali lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, doorashada soo socotana ay uga ololayn lahaayeen.

Wargeyska Foore oo u kuur galay kulamadan waxa ay ilaha aanu ka helnay tibaaxeen in kulamada u socda masuuliyiintani ay sii socon doonaan in muddo ah iyaga oo diiradda ku haya safarka Madaxweynaha ee la filayo in uu gobollada Bari ee dalka ugu baxo dhawaan wixii intaa ka dambeeyana la filayo in ay shaaca ka qaadaan mawaaqiftooda siyaasi ee ay qaadanayaan iyo halka ay isugu biyo shubanayaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews