berberatoday.com
Arsenal Oo Cashar Udhigtay Kooxda Tottenham Oo Marti Ugu Ahayd Garoonka Emirates…
September 27, 2021 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Arsenal ayaa Cashar u dhigtay kooxda Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 12-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Smith-Rowe, kaddib markii ay caawin ay kaga timid B. Saka.

28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Aubameyang oo caawin ka helay saaxiibkiis Smith-Rowe ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 34-aad Gunners ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Bukayo Saka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

79 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Tottenham Hotspur ayaa dhalisay gool waxaana 3-1 ka dhigay Son Heung-min oo caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Reguilón.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 oo ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

 

 

 

Gool FM

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews