berberatoday.com
Alle Ha Unaxariisto Siyaasi Xasan Xaaji Maxamud Gadhweyne Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Taariikhdiisa Uu Kawaramay Wariye Axmed Siciid Cige
October 3, 2021 - Written by admin
Odeyga siyaasiga caanka ah Xasan xaji Maxamuud Warsame {Xasan Gadhweyne} oo galabta {3 . 10 . 2021} ku geeriyooday magaalada hargeysa . wuxuu ahaa siyaasi xilal kala duwan oo ah wasiir , mayor , ku xigeen mayor , xoghaye dowlad hoose ee goboollo iyo degmooyin badan ka soo qabtay dowladii hore ee somaliya iyo somaliland-ba . waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa balladhan oo dhan , ehelada iyo qaraabadii iyo asaxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka .
TAARIIKHDIISA OO KOOBAN :
Xasan Gadhweyne wuxuu ku dhashay miyiga burco 1944 . wuxuu dugsiga hoose ka galay magaalada sheekh . wuxuu shaqada ka bilaabay dowlada hoose ee Burco horaantii lixdanaadkii , waxaa loo bedelay xoghayaha dowlada hoose ee degmada Oodweyne , kadibna xoghayaha gobolka mudug . horaantii todobaatanaadkii waxaa uu noqday xoghayaha gobolkii cusbaa ee galgaduud . 1976 ayuu xasan gadhweyne alla ha u naxariistii uu ii sheegay inuu noqday kuxigeenka duqa magaalada xamar ee dhinaca maamulka , jagadaasi oo uu hayay ilaa iyo burburkii dowladdii dhexe ee somaliya 1991 . wuxuu Xasan Gadhweyne kaloo uu ahaa xubin golihii shacabka muddo dheer .
Xasan xaaji Maxamuud warsame {Xasan Gadhweyne} wuxuu noqday duqa isla markaana ah badhsaabka gobolka Saaxil ee Berbera xukuumadii madaxweyne Cigaal ee somaliland . doorashadii ugu horeysay somaliland ee deegaanada December 2002 wuxuu noqday xubin golihii deegaanka ee magaalada dekedda ah ee muhiimka ah ee Berbera . kadib xukuumadii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ahaa wasiirka waxbarashada somaliland 2003-2010 . wixii mudadaa ka danbeeyay wuxuu ahaa oday lagu soo hirto oo magac weyn leh oo somaliland iyo deegaankiisaba kaalin weyn ugu jiray .
sanadahan danbe xasan gadhweyne ilaah janadii ha geeyo miis ayaannu galab walba marka uu joogo hargeysa ku wada shaaheyn jirnay hotel maansoor oo fursado badan aan u helay in aan wax badan oo taariikh ah iyo waya’aragnimo ah ka faa’iideysto .
geeridiisa waxaa ii xaqiijiyay galabta wiilkiisa curad Maxamed Xasan Gadhweyne .
Axmed Saciid Cige
HARGEYSA .

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews