berberatoday.com
Cabdiraxmaan Fidhinle Oo Kamida Qoyska Marxuum Xasan Xaaji Maxamud Warsame Gadhweyne Oo Kawaramay Taariikhda Marxuumka
October 4, 2021 - Written by admin
GEERIDA NAXDINTA LEH EE SIYAASIGA CAANKA AHAA ADEERO XASAN HAAJI MOHAMUUD GADHWEYNE
Xasan xaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) wuxuu ku geeriyooday bishan October ( 3/10/ 2021) magaalada hargeysa Waxaana Maanta oo 4ta October 2021 lagu Aasay Magaalada Hargeysa. Marxuunku wuxuu ahaa Abaahayga Labaad madaama koritaankaygii uu qayb weyn ka qaatay oo uu ilaa iyo heer jaamacadeed uu isoo gaadhsiiyey. Bilowgii Todobaatankii isaga oo markaa Ahaa Xoghayaha Dawlada hoose ee Gobolka Togdheer ayaa loo bedelay Gobolada Dhexe ee Somaliya waxaana uu 1972. Xoghaye ka noqday Gobolka Galgaduud oo markaa ahaa gobol cusub oo markaa la Aas aasay.
Sanadkii 1973 Wuxuu Gobolkaa Ka noqday Gudoomiye Ku xigeen. Sanadkii 1974 Ayaa loo dalacsiiyey in uu Mayor ku xigeenkii ugu waqtiga dheeraa ka noqdo Caasimada Somliya ee Banaadir (1975-1991) ilaa iyo Burnurkii Dawladii Dhexe ee Somaliya . Marxuun Adeero Siyaasi Hasan Gadhweyne wuxuu Xubin ka ahaa Golihii shacabka ee XHKS.
Markii Somaliland la soo noqotay Madaxbanaanideedii Marxuun Hassan Gadhweyne wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland -Doorashadii Goleyaasha Degaanka ee Somaliland ka dhacday 2002 wuxuu noqday xubin Golaha degaanka ah ee Degmada Berbera. (1988-2003) Wuxuu ahaa Mayorka Berbera iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil. (2003-2010) Wuxuu ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee ugu waqtiga dheeraa dawladii Riyaale Somaliland.
Xasan Gadhweyne wuxuu ku dhashay Degaanka Degmada Sheikh 1944 . Wuxuu dugsiga hoose iyo dhexe ku dhameeyey Degmada sheekh . wuxuu shaqada ka bilaabay dowlada hoose ee Burco horaantii lixdanaadkii isaga oo dhalinyaro ah oo 21 jir ayaa loo magacaabay xoghayaha dowlada hoose ee degmada Oodweyne , markuu 23 jir ahaa wuxuu ahaa Xoghaya Gobolka Togdheer. Markuu 25 jir ahaa wuxuu noqday madaxa dhul bixinta Gobolka Togdheer. Markuu 27 jir ahaa Xoghayaha G/Mudug kadibna Mayor ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Dawladaha Hoose ee Gobolka Banaadir.
Marxuun Adeero Xasan xaaji Maxamuud warsame {Xasan Gadhweyne} mudooyinkii ugu danbeeyey wuxuu noqday Oday Samofale ah oo Samotalis ah oo lagu soo hirto waxaana uu sumcad iyo magac weyn ku lahaa Degaanada somaliland oo dhan .
Adeero Hassan Gadhweyne wuxuu ifka kaga tegay 7 caruur ah iyo caruurta ay sii dhaleen Waxaana aan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Walaaladay qoyskiisii, qaraabadiisii. Ikhwaankii reer Dariiqo, Asxaabtiisii iyo Qaranka Somaliland. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariisto, Su aasha qabriga u fududeeyo, in ilaahay qabriga u nuuro oo Janatul fardowsa ka waraabiyo Amiin Amiin.
A/rahman fidhinle UK

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews