berberatoday.com
Dr Abdiqadir Khan Oo Ahaa Khabiirkii Pakistan Usameeyay Barnaamijka Nuclear-ka Oo Geeriyooday
October 10, 2021 - Written by admin
Dr Abdiqadir khan (April 1, 1936- 10 October 2021)
Intii aan akhriyay taariikh nololeedka Dr Abdiqadir khan oo ahaa caalimkii gacanta wayn ka geystay aasaasidda iyo samaynta hubka nuclear ka ee Pakistan waxa isoo jiitay dhowr arimood.
Dr Abdiqadir Khan waxa uu ku dhashay magaalada Bhopal oo kutaal hindiyada maanta laakiin markii labada wadan kala go’aan ayaa qoyskoodu u qaxay qaybtii Pakinstan noqotay. Waxa uu tacliinta ilaa jaamacada ka dhigtay magaalada Karaaji, markiise uu qalin jabiyay waxa ku dhacday shaqo la’aan kadib waxa uu u safray wadanka Jarmalka.
Wax yar markuu joogay Jarmalka waxa wax barashado bilaash ah iyo tababar laba sano ah siisay Jaamacada polytechnoco. Waxa uu bartay nooc injineernimo ah oo layidhaa “metallurgical engineering. ” Isagoo dalxiis ku jooga holland ayay is barteen gabadh reer holland ah oo la yidhaa henny, waxay u dhashay laba hablood. Guurkiisii waxa uu u sahlay in uu waxbarasho ka helo jaamacada faca wayn ee University of Delft oo uu ka qaatay Master ah isla mowduucii oo hore u bartay.
Isaga iyo Henny waxay u guureen Belgium ka, halkaas ayuu kasii bilaabay PHD Jaamacada kaatoliga ah ee University of Leuven sanadkii 1972 ayaa qaatay PHD giisii. Holland ayuu dib ugu noqay waxa uu ka bilaabay shaqadii ugu horeysay ee macno leh oo uu qabto isagoo la taliye u noqday shirkad la odhan jiray Physical Dynamics Research Laboratory (PDO) oo samayn jirtay qalabka lagu khamiiriyo yuuraaniyamta loo adeegsado hubka iyo tamarta isla markaana xidhiidh shaqo la lahayd shirkad tiknoolajiyada hubka Nuclear ka ka shaqaysa URENCO. Waxa la sheegaa in ogolaansho derajadiisu hooseyso loo siiyay inuu booqan karo warshada hubka samaysa ee ku taal degmada Almelo.
Shaqadaas waxa loo ogolaa uun qof aad loo hubiyay oo lagu kalsoon yahay inuu daacad u yahay wadanka holland uun. Dr Abdiqadir khan waxa uu ahaa nin dhaqanka reer yurub aad u la qabsaday, dhex galay oo uu ku duxay, nin la aaminay oo daacadnimadiisa la hubiyay. Waxa uu ku biiray dabaqada dhexe ee reer holland waxaana la gudoonsiiyay abaar marino tiro badan. Kalsoonida lagu qabay waxay keentay in lagu aamino in dhukmantiyada hubka nuclear ka ee af jarmalka ku qoran uu u turjumo afka Dhaj ka ee reer Holland ku hadlaan. waxa la sheegaa in shaqadaasi fursad u siisay in uu helo xog aad u badan.
Hadii lagu eego indhaha wadaadada maanta iyo sida muslinnimada loo qiimeeyo, Dr Khan wuxuu noqon lahaa, hadii uu ugu roon yahay, Muslin iimaankiisu liito oo caasi ah, qaar ayaaba diinta ka saari lahaa, dhiigiisana xalaalaysan lahaa.
Saddex arimood ayaa Dr Khan saamayn wayn ku yeeshay nafsiyadiisa oo bedelay fikirkiisa: dagaalkii 1971 dii ee lagu jebiyay Baakistaan; qayb aad u wayn oo laga jaray wadankiisii oo Bangaladheesh loo bixiyay, iyo Hinyada oo ku guulaysatay in ay tijaabiso hubka Nuclear ka sanadkii1974.
Sanadkii 1974, Dr Khan waxa uu waraaq u diray ra’iisal wasaraihii Baakistaan Dulfiqaar Cali Butto, isagoo u bandhigay in uu diyaar u yahay inuu bakistan ka caawiyo sidii ay hubka Nuclearka u samaraysan lahayd. 17 September, 1974 ayay kulmeen Dulfiqaar iyo Khan waxaana la iska qaatay in Dr khan uu hogaamiyo howl gal sir ah oo lagu samaynayo hubkaa casriga ah. Dr khan waxa lagu eedeeyaa in markii uu Holland ka tegayay uu sii xaday khariirado, hab-dhismeyaal iyo xog aad u badan oo uu u adeegsaday samaynta hubka baakistaan.
Kadib markuu ku guulaystay in hubkaas uu u sameeyo wadankiisa, Dr khan waxa uu samaystay shirkado qarsoodi ah oo fadhigoodu ahaa Malaysiya kuwaas oo iibiya qabalka casriga ah ee lagu sameeyo Nuclear ka. Dowladaha ka faa’iiday shirkadihiisa suuqa madow ah waxa ka mid ah Iiraan, Liibiya, Waqooyiga Kuuriya oo uu dhowr jeer booqasho ku tegay, Finasuweela, iyo qaar kale. Shirkadiisu waxa kale oo ay samaysay tiknoolajiga ay ku shaqeeyaan gantaalaha ridada dheer ee Baakistan (ballistic messiles).
31 Janawari 2004, Dr khan waxa lagu eedeeyay in uu tiknoolajiyad casri ah oo hubka khatarta ah faafiyay kana iibiyay dowlado aan xilkas ahayn. Eedayntaa wuu qirtay isagoo TVga kasii daayay dowlada Baakistaanna waxa uu ka duway eedii oo dhan. Isla maalintii xigtayba Madaxwaynihii Baakistaan Barfiis Musharaf ayaa u fidiyay cafis buuxa. Hasayeeshee, Baakistaan waxa lagu qasbay in ay Dr Khan ku hayaan xabsi guri ilaa 2009 kii. Wadamada reer galbeedka oo Dr khan nacayb xoog leh u qaaday isla markaana ula baxay “the greatest nuclear proliferator of all time” waxay rabeen in ciqaab adag la mariyo, Baakistaanna waxay ku eedeeyeen mas’uuliyad darro iyo u dhibirsanaan aan la aqbali karin.
Dr Khan muu ahayn salafi, ikhwaan, jaami ama suufi iyo magacyada kale ee tirada badan ee maanta muslimiintii jeexjeexay. Waxa uu ahaa Muslin dalkiisa iyo diintiisaba jecel oo qadiyad umadeed leh.
“Dr Abdikriim D Hassan”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews