berberatoday.com
Xukuumadda Oo Cashuuro Dheeraad Ah Kusoo Rogtey Ganacsatada Iyo Boqolaal Gaadiid Raran Oo Dhooban Kastamka Saylac
October 12, 2021 - Written by admin
Saylac(Berberatoday.com)-In Ka badan Boqolaal Kamid ah, Gaadiidka Bagaashka ayaa Ku Xaniban Kastamka Cashuuraha Wasaaradda Maaliyada ee Magaalada Saylac, Kuwaas oo Toddobaadyadii u Dambeeyay ku Xanibnaa halkaasi iyagoo Sida Rarka Bagaashka ah ee ay Kasoo Qaadaan Dekedda Jabuuti, oo ay Kaga soo Gudbi jireeb Transit.
Xanibaada Gaadiidkan Raran ee Bagaashka ah, ayaa Ka Dambaysay Kadib Markii Xukuumaddu Shuruud kaga dhigtay Ganacsatada Jeeblayaasha ah, in ay Soo Gudbiyaan Tacriifadaha ay Wax Kaga soo iibsadeen, Sayladaha Imaaraadka iyo Kuwa kale, ee ay kasoo Qaateen Badeecadaha Ganacsi ee ay Dalka Keeneen, si loogu Miisaamo Cashuuraha laga doonayo iyo arimo kale oo lagu soo Kordhiyay Ganacsiga Somaliland.
Waa Markii, u horeysay ee Nooceeda ah oo Xukuumaddu Shuruudo Faragalin dheeraad ah, ku Noqonaysa Ganacsatada kusoo Rogto, Talaabadan oo ah mid Cadaadis iyo Culays ku ah Inta ugu badan ee Ganacsatada itaalka yar, si loo hirgaliyo in Qeybo Gaar ah oo Ganacsatada ah Xor looga dhigo in ay kaga Duwanaadaan Kuwa Culayska la Saaray, haba u badnaadaan Kuwa Shirakado Waaweyn ah, oo Wasiirka Ganacsigu Kamid yahay raga Saamiga Badan ku leh, iyo Waliba Shirkado Cusub, oo lagu Soo kicinayo, in ay Kor ugu Soo Kacaan.
Talaabooyinkan Xukuumaddu Ku Xanibtey Ganacsatada itaalka Yar ee Somaliland, ayaa la Sheegay in ay Dareen Xoogan iyo Shaki, Ka muujiyeen Iyagoo u arka in arintani Mustaqbal ahaan Saamayn iyo Caqabad ku Tahey Xoriyada yu haystay Ganacsigu Dhinaca Somaliland iyo Sida Xorta ah ee ay Ganacsatadu ugu Madaxbanaanayd, Ganacsigooda iyagoo aan Xukuumada kala tagi jirin Wixii Cashuur ah ee ku Waajibay Ganacsigooda, haba jirto, Cashuuro badan oo lagu Kordhiyay Mudo Xileedka Xukuumadan iyo Xukuumadii ka horeysayba, Waxaanay Ganacsatada Qaarkood u sibirsaarayeen, in Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), iyo Shirkadiisa Ganacsi ee Soomar ay Kaalinta ugu Weyn ku leeyihiin Nidaamka Cadaalad darro ee Xukuumadu ku kala Saarayso Ganacsatada Dalka.
Geesta kale, Cadaadiskan, iyo Culayska Lagu Soo Rogay Ganacsatada Qeybo badan oo Kamid ah, ayaa iyana laga Dareemay Dhinaca Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera, Kaas oo ku Xidhiidhsan Weydiinta Tacriifadaha iibka Badeecadahooda, iyo Waliba Cashuuro, dheeraad ah oo aanay Awoodi Karin Marka loo eego Xoriyada Ganacsiga.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews