berberatoday.com
Dawladda Britain Oo Kamid Noqoneysa Saamileyda Dekedda Berbera
October 14, 2021 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-Shirkadda weyn ee dekedaha Dubai ee DP World iyo wakaaladda dowladda Brtitain u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group ayaa salaasadii sheegay inay qorsheynayaan inay si wadajir ah kaabayaasha saadka ee qaqaradda Africa ugu maal-galiyaan illaa $1.72 bilyan dhowrka sanno ee soo socda.

 

Maal-gashigaan ayay ku sheegeen inay ugu horreyso casriyeynta saddex dekedood,  iyada oo marka hore diiradda lagu saari doonaa ballaarinta dekadaha ay maamusho DP World ee kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekdada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC.

DP Word oo ay dawladdu leedahay ayay ka go’antahay inay maal-geliso $1 bilyan sannadaha soo socda, halka CDC ay ballan-qaadday $320 milyan oo ay suuragal tahay inay ku darto illaa $ 400 milyan oo maal-galin kale ah.

Maal-gashiga wadajirka ah ayaa aakhirka lagu ballaadhin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda.

“Waxaan leenahay aragti isku mid ah inaga iyo DP World, taas oo ah inaan doonayno inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suurtagal ah,” ayuu Madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maal-galiyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga.

CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabadh saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias, iyada oo DP World ay ku wareejinayso saamiyada dekadahaas.

Ballaadhinta saddexdan dekedood ayaa sida ay sheegtay CDC, waxay hagaajin doontaa helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaagana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews