berberatoday.com
“Wareejinta Xisbigu Madaxwayne Muuse Faa,iido Ma Unoqon Kartaa Oo Kalsoonidii Taageerayaasha Xisbiga Ma Soo Celin Doonta Mise..”Siyaasi Cali Guray.
October 14, 2021 - Written by admin

MADAXWAYNE MUUSE IYO WAREEJINTA XILKA GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE!CALI GURAY.

Muj Maxamed Kaahin hadii uu isagu diyaar u yahay in lagu wareejiyo xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye horta marka laga eegayo xilka uu xisbiga ka hayo ee Gudoomiye Xigeenka koobaad isaga ayaa jaranjarta labaad ee ugu saraysa hogaanka xisbiga ah dabcan taa wuu ku leeyahay oo cid kaga xaq lihi ma jirto. Ta kale waa xidhiidhka isaga iyo Muuse muddo ka badan 35 sanadood oo Maxamed gar iyo gardaroba uu Muuse taageeradiisa la barbar joogay isaga oo aan isagu damac gaar ah lahayn ee Muuse uun wax la doonayay. Maanta hadii Muuse muraadkii uu lahaa gaadhay Maxamedna markii ugu horaysay wax doonay weliba isagu ka ugu mudan ee ugu xaq leh yahay, Muuse wuu ku qasban yahay in markii ugu horaysay uu wax la doono Maxamed oo isaguba weligii wax la dooni jiray Isaga.

 

Hadaba iyadoo ay doorasho Inagu Soo fool leedahay Wareejinta xisbiga xiligan way caddahay in ay qayb ka tahay kaambaynka iyada oo la og yahay xaaladda Kulmiye iyo heerka hoos u dhaca  oo runtii la odhan karo wuxu joogaa heerkii ugu hooseeyay abid intii uu jiray marka la og yahay dildikaacyada jira iyo kuwa ku soo fool leh. Hadaba wareejinta xisbigu Madaxwayne Muuse faa,iido ma u noqon kartaa oo kalsoonidii taageerayaasha xisbiga ma soo celin kartaa mise waabay uga dari kartaa oo waxay ku noqon midh kiniin ah oo dawo ahaan uu u liqay balse ku noqday dhunkaal sun ah?

Muuse Biixi oo haatan afar sanadood xilka hayay lagama yaabo in taageeradii jeegaantu ay marna noqon doonto sidii doorashadii 13kii November 2017kii sababo badan oo is-huwan awgood. Taasina dabcan waxay fursad u tahay Xisbiga WADDANI iyo musharixiisa xilka Madaxwaynaha Mudane Cabdiraxmaan Cirro weliba hadii si aan surmo-seegto iyo midiroor ahayn u maarayn karaan taladooda guud ahaan xisbiga  iyo gaar ahaan istraatajiyada kambaynka doorashada kal dambe hadii Allah yidhaa. Waayo waxa la yidhi “geed walba in gubtaa way hoos taal”. Markaa way jiraan WADDANI lafitisaba caqabado hor yaal

Sidaa daraadeed waxa suurogal ah in wax badani ay iska bedeli doonaan xaaladda inta ka horaysa dhamaadka sanadkan

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey )

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews