berberatoday.com
Dawladda Turkiga Oo Muqdisho Ka Hirgelisay Saldhig Milletari, Kumanaan Askari Oo Uu U Tababbarayo Soomaaliya Iyo Khatarta Somaliland Kaga Iman Karta
November 16, 2016 - Written by Berbera Today

Qaramada Midoobay Oo Turkiga U Ogolaatay Hirgelinta Saldhiggan + Awoodda Saldhiggan Milletari Iyo Dhaqaalaha Uu Ku Bixiyo Ciidammada Soomaaliya

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Turkiga, ayaa Duleedka Magaalada Muqdisho ka wadda dhismaha Saldhig Milletari oo noqonaya kii koowaad ee Turkigu ku yeesho Qaaradda Afrika.

Warbaahinta Caalamiga ah ee Adduunka, ayaa iyagoo soo xiganaya Agaasimaha Shirkadda dhismaha Saldhiggan wadda oo Turki ah waxay baahiyeen in Dawladda Turkigu ay Soomaaliya ka hirgelinayso Saldhig Milletari, kaasi oo qorshaha koowaad ee laga leeyahay uu yahay in la geeyo 200 oo ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Milletariga Turkiga, kuwaasi oo Wejiga koowaad Dawladda Soomaaliya u tababbaraya 10.500 oo Askari.

Turkiga ayaa Saldhiggaasi farsamo ahaan dhamaystiray, ka dib markii Qaramada Midoobay ansixisay in la hirgeliyo siday baahiyeen Wargeyska Daily Sabah iyo Wakaaladda Wararka Shiinaha ee loo yaqaanno Xinhua.

Saldhigga Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya oo baaxad ahaan ku fadhiya Dhul ballaadhan ayaa waxa illaa hadda la diyaariyey goobo qaadi kara Diyaaradaha Dagaalka iyo illaa Saddex Xero oo midkiiba lagu tababbari karo dhowr boqol oo Ciidan ah, “Fadhiisinkan Ciidan waxa ku baxaya dhismihiisa 50 Million dollar, waxaanu ka kooban yahay xero qaadaysa 400 dayuuradaha dagaalka ah iyo saddex dugsi ciidan oo lagu tababbarayo boqollaal ka mid ah ciidamada Soomaaliya iyo waliba kuwa Afrika, iyadoo markiiba lagu tababbari karo ilaa shan boqol oo Askari”.ayuu yidhi Ebubekir Sahin oo ah Agaasimaha Genaral Construction Company oo wadda hawsha dhismaha Saldhiggan oo Warbaahintu soo xiganayso.

Agaasimaha Shirkadda Wadda Saldhiggan, ayaa waxa kale oo uu sheegay in go’aanka Turkiga ee dhismaha fadhiisinkan Ciidan uu farxad galiyey dawladda Soomaaliya, maaddaama oo uu u sahlayo inuu wax weyn ka taro dagaalka ay argagixisada kula jirto iyo waliba wax lagu sheegay dib u soo celinta nidaamkii iyo sharcigii Soomaaliya.

Mr Sahin waxa kale oo tilmaamay goobta laga hirgalinayo fadhiisinkan ciidan iyo xilliga la furri doono “Fadhiisinkani waxa uu ku yaallaa goob muhiim ah oo u dhow Madaarka iyo Dekedda Mugdisho, isla-markaana 1.8mile u jirta Cisbitaalka loogu magac daray Receb Tayyib Erdogan, sidaa awgeedna waxa la furri doonaa bisha koowaad ee sanadka 2017″.ayuu yidhi.

Dawladda Turkiga ayaa tan iyo markii Soomaaliya ay ku dhufatay Abaartu waxay ugu deeqday Lacag dhan 400 Milyan oo Doollar sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, waxaanu Shantii sannadood ee u dambeeyay si toos ah u caawinayey Ciidammada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, oo isaguna dhawaan u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay inay Dawladda Soomaaliya Bil walba ku taageeraan Laba Milyan oo dollar, taasi oo aanu sheegin waxay ugu talo-galeen in lagu qabto.

Turkiga ayaa dhaqaalaha intaasi leeg gelinaya Dalka Soomaaliya, xilli aanu Somaliland oo uu dhexdhexaadin ka dhex wado aanu wax taageero dhaqaale iyo mid Ciidan ah u geysan.

Dawladda Somaliland oo 25-kii sannadood ee u dambeeyay dedaal ugu jirtay inay Beesha Caalamka ka hesho aqoonsi buuxa, ayaa taageerada Milletari ee uu Turkigu siinayo Xukuumadda Muqdisho u arki karta inuu dib u soo nooleynayo Awooddii Ciidan ee Siddeetamaadkii lagu gumaaday Shacabka Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews