berberatoday.com
“Caalamku Ma Barraarugo Illaa Xaaladdu Xumaato, Laakiin Waxaynu U Baahan Nahay Nidaam Aynu Kaga War Hayno Xoolaha, Daaqa Iyo Deegaanka..”Wasiir Sacad Cali Shire
November 24, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Sheegay In Somaliland Caalamka Kala Siman tahay Ka Feeginnaan La’aanta Roob la’aanta Iyo Abaaraha Halista Geliya Nolosha Dadka iyo Xoolaha

London(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire, ayaa isagoo ku sugan magaalada London wax laga weydiiyey Abaarta muddada gaaban ee 15-ka bilood ah ku soo noqotay dalka iyo qorshe la’aanta Xukuumadda, Wasiirka oo ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii inay Dayrtii baaqatay, Guga roobkiisiina uu teelteel ahaa, sanadkii horrena raxmadii aynu helnay inay aad uga hooseysay tii aynu heli jirnay intaa waa la dareensanaa oo waa lala socday, hase yeeshee sida aad ka war hayso inaga oo kaliya inaguma koobna ee Caalamku sidiisaba ilaa xaaladu xumaato ma barraarugo oo ma kaco, waxase aynu u baahanahay inaynu samaysano nidaam iyo hab aynu kaga war hayno xaalada Xoolaha, Daaqa iyo Deegaanka”.

Warka KOOWAAD (2)Wasiirka oo la weydiiyey in nidaamkaasi ka jiro Somaliland ayaa waxa uu ku jawaabay “Imika waxa jira qollo la yidhaa FSNU oo hoos yimaadda FOA oo sanadkiiba laba jeer eega xaaladda wax soo saarku sida uu yahay, laakiin innagu inkasta oo aynu leenahay Hay’ad qaabilsan Aafooyinka iyo ka war hayntooda (NERAD), balse wali maynaan dhigan nidaamkaa ka war bixinaya xaalada meel ka taagan mar walba”.

Ugu danbayntiina, Wasiir Sacad waxa uu ugu baaqay ummadda Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay u gurmadaan dadka walaalahood ah ee ay Abaartu hayso oo ay ku caawiyaan intii ay heli karaan si loo badbaadiyo Dadka iyo Xoolahaba. Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews