berberatoday.com
Wefti Ay Xukuumaddu U Dirtay Shirkadda DP World Oo Shalay Safar Dhuumasho Loo Nisbeeyey Ugu Baqoollay Imaaraadka Carabta
December 6, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Xaraaraddii Isku-shaandhaynta Xummad-jebin Uga Dhigtay Socdaal Uu Dubai Ugu Dhabbacday

“Weftigani Waxa Soo Dhiraan-Dhirinayaan Wejigii Ugu Horreeyey Ee Lacagta Heshiiska Dpworld Oo La Doonayo In La Helo Wixii Ka Horreeya Bisha March Ee Sanadka Soo Socda”
boore iyo

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa maalintii shalay safar dhuumasho ah oo aan saxaafadda loo sheegin dalka kaga baxay wafti wasiirro u badan uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire, kuwaas oo u socdaalay dhinaca dalka Imaaraadka Carabta.

Xubnaha safarkaas u baxay, ayaa kala ah wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta, Md. Cali Salaan Jirde(cali-shoombe) iyo weliba Maareeyaha dekedda Berbera, Md. Axmed Dirir, waxana ay si qarsoodi ah uga duuleen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Inkasta oo xogaha safarkaas si weyn loo daahay, haddana sida uu wargeyska Hubaal warka ku helayo, waxa ujeeddada socdaalka waftigani salka ku hayaa sidii ay usii ambo qaadi lahaayeen heshiiskii hore xukuumaddu ula gashay shirkadda DPWorld, kaas loo ballansanaa in lacago horumarin ah oo ay xaqul-qalinku ugu horrayso la kala qaato. Waftigani waxa ay kulamo kala duwan magaalada Dubai kula yeelan doonaan saraakiil katirsan shirkadda DPWorld, waxana lasii ambo qaadi doonaa wixii qabyo ah eek u jira heshiiskii labada dhinac, iyadoo la derder gelin doono sidii qabyooyinka ku jira heshiiskaas loo wada dhamaystiri lahaa.

Kulamada ay waftigan la yeelan doonaan saraakiisha shirkadda DPWorld, ayaa dhammaantood ah qaar qarsoodi ah, waxana ka go’an inaan la ogaanin waxa heshiiskaas ka qabsoomay iyo weliba halka ay marayso arrimaha xagga kharashaadka la xidhiidha ee labada dhinac lagu wado inay kal qaataan. Inkasta oo aan saxeexyo sidaas u waaweyn oo hadhsani jirin, marka laga tago kuwa lacagaha lagu kala qaadanayo, haddana muhiimadda ugu weyn ee waftigan, ayaa ah in shirkadda DPWorld lasoo meel dhigaan sidii lacagta horumarinta ah ee qaddarkeeda lagu sheegayo $15milyan (shan iyo toban milyan oo dollar) loo kala qaadan lahaa, maadaama xukuumadda ay ka go’an tahay in lacagtaasi ay jeebkooda soo gasho inta aanu xukunku ka dhammaanin. Lama garan karo muddada ay waftigan maqnaan doonaan, balse wararka qaarkood, ayaa sheegaya in ugu yaraan muddo toddobaad ah halkaas joogi doonaan, iyada oo intaas kadibna xubno kamid ah ka qaybgeli doonaan wada-hadallada maamulka Khaatumo iyo xukuumadda ee dhawaan ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka, ayaa dhigaya in marsada Berbera lagu maalgelin doono dhaqaale gaadhay $442 milyan oo dollar oo wejiyo kala duwan yeelan doona, kuna xidhnaan doona shaqada dekeddu qabato, waxana raaci doono hirgelinta goobo ganacsi iyo weliba dhismaha waddada isku xidhi doonta Berbera iyo Wajaale ee Berbera corridor loo yaqaanno.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews