berberatoday.com
Madaxweyne; 89 Maalmood Kadib Ma Qaban Doonta Doorashada Aad Ballanqaaday Mise Waa Muddo Kordhin Kale Iyo Taariikh Madow?
December 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa ay shacabka Somaliland sugayaan oo ay isha ku hayaan 89 maalmood ka dib isbedelka siyaasadeed ee Somaliland lagu arki doono.

 

89 maalmood ka dib, waxa qabsoomaysa doorashada madaxtooyada oo qoondaysan 28 March 2017.

Waxa doorashadaas ku loolamaya saddex siyaasi oo u tartamaya jagada madaxweynenimo ee Somaliland, kuwaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi oo ka socda KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo u ordaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo markii saddexaad noqonaya murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID. Madaxweyne Siilaanyo oo kursiga ku fadhiya ayaan isagu tartamayn, wuxuuse dhisayaa xisbigiisa KULMIYE.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hadda ku dhex jiraa oo gunaanad ku dhow laba sannadood oo ah muddo kordhin ay u sameeyeen golaha guurtidu, ka dib markii doorashadii madaxtooyada la qaban kari waayay sannadkii 2015.

Haddaba, waxa la eegi doonaa in Madaxweyne Siilaanyo mar labaad loo sameeyo muddo kordhin iyo in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonta oo 89 maalmood kadib Somaliland yeelato madaxweyne shacabku doortay oo saddexda xisbi ka soo baxa.

Haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto islamarkaana noqoto doorasho la mid ah doorashadii 2010 oo ahayd mid xor iyo xalaal ah, waxa ay Somaliland iyo madaxweyne Siilaanyaba u noqon doontaa sumcad siyaasadeed oo wax badan furfurta.

Madaxweyne Siilaanyo oo isagu ah masuulka qaranka ugu sarreeya ee ay si sharci ah u saarantay masuuliyadda qabashada doorashadu ayaa mar uu toddobaadkii ina dhaafay hadlay waxa uu ku celiyey ballanqaadkiisii ahaa in doorashadu ay waqtigeeda ku dhici doonto, laakiin dad badan ayaa qaba dareen soo xoogaysanaya oo ah in aanay taasi suurtogal u muuqan marka la eego dhaqdhaqaaqa iyo hawlaha socda.

haddaba  doorashada oo waqtigii loo cayimay ay innaga xigaan 89 maalmood oo keliyi  ayaa haddii ay mar kale dib u dhacdo iyada oo uu madaxweynuhu ballanqaaday in ay waqtigeedu dhacayso, waxa ay boog ku noqon doontaa taariikhdiisa siyaasiga ah ee Somaliland, maadaama oo muddadii uu siyaasadda ku soo jiray oo dhan si aad u adag uga soo horjeestay muddo kordhinno dhacay doorashadiisii ka hor.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews